Hordhac: Real Madrid Vs Sevilla: Los Blancos & Sevilla Oo Aan Wax Bar-Baro Ah Galin 27-kii Kulan Ee Ugu Dambeeyay

Kooxda Real Madrid ayaa garoonka Santiago Bernabeu ku marti galin doonta kooxda Sevilla kulan ka tirsan horyaalka La Liga toodbaadkiisii 20-aad.

Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haysa in ay gaadho guushii 3-aad oo tartamada oo dhan ah kadib markii ay garaacday kooxda Real Betis iyo Leganes.

Laakiin Real ayaa ogsoon in ay guuldaro xanuun badan kala kulantay kooxda Sevilla bilowgii xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga.

Kulankan ayaa dhex mari doona kooxda Sevilla oo ku jirta kaalinta 3-aad iyo Real Madrid oo ku jirta kaalinta 4-aad ee kala saraynta horyaalka.

Kulanka: Real Madrid Vs Sevilla

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 6:15 Galabnimo

Garoonak: Santiago Bernabeu

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Real Madrid ayaa badisay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Sevilla kaga hor tagtay tartanka horyaalka La Liga taas oo ah rikoodhkooda ugu fiican sidoo kale ka dhaliyay 3.7 gool kulan kasta.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay Sevilla Real Madrid kaga badisay garoonka Santiago Bernabeu horyaalka La Liga ayaa dhacday sanadkii 2008 markaas oo uu Los Blancos hogaaminayay tababare Bernd Schuster.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here