HORDHAC : Real Madrid VS SD Huesca ? xidigaha maqan , xaqiiqooyinka ciyaarta iyo safafka macquulka ah

Kooxda Real Madrid ayaa garoonkeeda ku soo dhaween doono kooxda yar  SD Huesca kulan ka tirsan horyaalka Dalka Spain ee La Liga .

Taliska cusb ee macalin Zidan ayaa caawa ku ciyaari doono aqlaka u saaxiibka ah tirade tobaneeyo Champions League markii ugu horeysay tan iyo soo labashadiisa , kani waxa uu noqon donaa kulankii ugu horeyey ee heer caalami ee labada koox ay ku wada ciyaraan garoonka Santigo Bernabeu.

Maxaa ka cusub labada koox ka hor kulanka :

Sergio Ramos ayaa taam buuxa u ah kulankan kaddib markii uu seegay tawabarkii ugu dambeyey ee asbuucan  ay isagu diyaarinayeen kulankan .

Toni Kroos, Raphael Varane, Luka Modric iyo Marco Asensio qeeb kama ahaan doonana safka ku soo bilaaban doono kulankan madama ay dareemayaan daal badan iyaga oona soo matalay xulalkooda .

Alvaro Odriozola ayaa sii wadan doono ka soo muuqashada dambeedka daafac midig halka ciyaartoyda kla ah  Isco iyo Dani Ceballos ay ku soo bilaaban doonan khadka dhexe .

Dhica kale kooxda martida ah waxaa dib safkooda ugu soo laabanaya  ciyaartoyda kala ah Javi Galan iyo Damian Musto oo si wada jir ugu maqnaa ganaaxyo  .

Jorge Miramon iyo Carlos Akapo ayaa kulanka waxa ay ku seegayaan dhaawacyo balse xidiga lagu magacaabo  Jorge Pulido ayaa qarka u saaran in uu ku soo bilowdo garabka midi gee weerarka . feature at right wing-back.

David Ferreiro ayaa qaadan doono ganaax kulankan balse Moi Gomez ayaa noqon doono xidiga loo soo xulan doono booska uu baneeyey laacibkaas si uu u caawiyo weerarka tooska ah .

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Real Madrid VS SD Huesca ( La Liga )

Goobta : Santigo Bernabeu.

Goorta :9 :45 oo habeenimo

Garsoorka : Xavier Estrada Fernande

Xaqiiqooyinka Ciyaarta :

Real Madrid ayaa badisay 8-ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay ka ciyaartay horyaalka Dalka Spain (La Liga).

Real Madrid ayaa dhalineysay ugu yaraan labo gool  8-ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay ka ciyaartay horyaalka Dalka Spain (La Liga).

Kooxda lagu magacaabo SD Huesca ayaa ku guul dareesatay in ay badiso 12-kamida 13-kulan ee ugu dambeyey ee ay ku ciyaarto meel ka baxsan garoonkeeda kulamada La Liga .

Wa kulankii ugu horeeyey ee kulan caalami ah oo ay kooxaha Real Madrid iyo Huesca ay ku ciyaaraan garoonka Santigo Bernabeu.

Real Madrid waxa ay qasaartay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeyey ee ay ku ciyaartay garoonkeeda iyag oo badiyey hal kulan oo kaliya , balse macalin Zidan 70-kulan oo Madrid ku hogaamiyey garoonka Santigo Bernabeu waxa uu qasaaray 7-kulan oo qura .

Eeg safafka Macquulka ah ka hor kulanka :

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here