Hordhac: Real Madrid vs Real Sociedad: Los Blancos Oo Ka AWood Weyn Sociedad Kulamadii Ugu Dambeeyay

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Real Sociedad kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Estadio Santiago Bernabeu.

Los Blancos ayaa kulanka soo gali doonta iyada oo isha ku haysa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib markii ay bar-baro la gashay kooxda Villarreal.

Wiilasha Solari ayaa doonaysa in ay gaadho guul ay ugu dhawaato kooxaha kaalinta 2-aad iyo kaalinta 3-aad ee Atletico Madrid iyo Sevilla oo iyagu isla ciyaaraya.

Kulanka: Real Madrid vs Real Sociedad: La Liga

Wakhtiga: 8:30 Habeenimo

Garoonka: Santiago Bernabeu

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaa gabi ahaan ku awood badan kulamada tooska ah ee labada kooxood taariikhda horyaalka La Liga.

Los Blancos ayaa badisay dhamaan 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxda Real Sociedad horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa dhalisay rikoodh cajiib ah oo dhanka goolasha ah iyaga oo 8 gool ka dhaliyay labadii kulan ee ay la ciyaartay Real Sociedad.

Los Blancos ayaa dhalisay 3 gool iyo wax ka badan 6 kulan oo ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay la ciyaartay Real Sociedad.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here