Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Girona kulan ka dhici doona garoonka Santiago Bernabue kana tirsan horyaalka La Liga.
Los Blancos ayaa kulanka u soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay gaadhaan guushdoodii 6-aad oo xiriir ah horyaalka premier League.
Madrid ayaa guul gaadhay 5-tii kulan ee ugu dambaysay taas oo ka caawisay in ay 6 dhibcood ku soo gaabiso dhibcaha ay ka dambayso Barcelona.
Kulanka: Real Madrid Vs Girona
Tartanka: La Liga
Wakhtiga: 02:00 Duhurnimo
Garoonka: Santiago Bernabue
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Labada Kooxood ayaa iska hor iman doona kulankii 4-aad ee tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan haatan lagu jiro.
Los Blancos ayaa 4/1 ku badisay kulankii 1-aad ee horyaalka La Liga halka ay labadii kulan ee Copa Del Rey-ga Real ku badisay 7/3 labadii lugood.
Kulankii Ugu Horeeyay ee Abid labada kooxood dhex mara horyaalka La Liga ayaa ka dhacay garoonka Bernabue waxana ay Real Madrid ku badisay 6/3 iyada oo uu Cristiano Ronaldo dhaliyay 4 gool.
Shaxda Macquulka ah ee labada Kooxood:
Real Madrid: Courtois; Carvajal, Nacho, Ramos, Marcelo; Ceballos, Kroos, Casemiro; Asensio, Benzema, Lucas
Girona: Bounou; R Garcia, Juanpe, Ramalho; Valery, Pons, A Garcia, Porro; Portu, Stuani, Lozano