Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Deportivo Alaves kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkiisii 22-aad.
Los Blancos ayaa kulanka u soo galaysa iyada oo isha ku haysa in ay ka faa,iidaysato kufitaanka Barcelona oo bar-baro ku dhaafi wayday Valencia.
Real Madrid ayaa haatan 10 dhibcood ka dambeeya Barcelona laakiin guul ay gaadhaan ayaa la macno ah in ay 8 dhibcood ka dambayn doonaan.
Kulanka: Real Madrid Vs Deportivo Alaves
Tartanka: La Liga
Wakhtiga: 10:45 Habeenimo
Garoonka: Santiago Bernabeu
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Real Madrid ayaa taariikh ahaan ka awood badan Alaves kulamada waji-ka wajiga ah taariikhda tartanka horyaalka La Liga.
Si kasta ha ahaatee Alaves ayaa guul 1/0 ah ka gaadhay Real Madrid kulankii horyaalka xilli ciyaareedkan ee dhacay October sanadkii hore.
Los Blancos ayaa markii hore 9 kulan oo xiriir ah garaacday kooxda ku ciyaarta garoonka Estadio de Mendizorroza.
Shaxda Macquulka Ah Ee Kulanka:
Real Madrid: Courtois; Odriozola, Nacho, Ramos, Reguilon; Modric, Kroos, Casemiro; Bale, Benzema, Asensio
Alaves: Pacheco; Martin, Laguardia, Maripan, Duarte; Wakaso, M Garcia, Pina, Burgui; Baston, Calleri