Hordhac: Real Madrid vs Celta Vigo: Zinedine Zidane Oo Kulankiisii Ugu Horeeyay Hogaaminaya Real Madrid Kadib Markii Uu Soo Laabtay.

Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Celta Vigo kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkii 28-aad.

Zinedine Zidane ayaa dib ugu soo laabtay kooxda Real Madrid isaga oo hogaamin doona Los Blancos kulankiisii ugu horeeyay.

Los Blancos oo kaalinta 3-aad ku jirta ayaa doonaysa in ay horyaalka La Liga ku dhamaysato qaabka ugu fiican ee suurtagalka ah.

Zidane ayaa doonaya in uu guul ku bilowdo xirfadiisa 2-aad ee tababaranimo ee kooxda marka ay kooxdiisu marti galin doonto kooxda Celta Vigo oo ku jirta kaalinta 18-aad.

Kulanka: Real Madrid Vs Celta Vigo

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 6:15 Galabnimo

Garoonka: Santiago Bernabue

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Tan ilaa 2000 kooxaha Real Madrid iyo Celta Vigo ayaa horyaalka La Liga kulmay 26 jeer waxana ay kooxda Real Madrid badisay 19 kulan halka ay Celta Vigo badisay 4 kulan 3 kulana bar-baro ku kala bexeen.

Bishii November, Los Blancos ayaa gaadhay guul 4/2 ah halka ay kooxda Real Madrid 6/0 ku garaacday Celta xilli ciyaareedkii hore.

Guushii ugu dambaysay ee ay Celta Vigo ka gaadhay Real Madrid ayaa dhacday November 2006 markaas oo lagu ciyaarayay garoonka Bernabeu.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here