Hordhac: Real Madrid Vs Barcelona: 95 Vs 95: Kooxdee Ku Gacan Sarayn Karta Kulamada Waj-Ka Wajiga Ah Ee Tartaamda Oo Dhan.

0

Indhaha taageerayaasha Kubada Cagta oo xilli Ciyaareedkan ka dhargay kulanka ugu qiimaha Badan Spain ee El Clasico ayaa mar kale u jeedsan doona Garoonka Santigao Bernabue oo uu ka dhici doono kulan horyaalka La Liga ah oo dhex mari doona Real Madrid iyo Barcelona.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay guul ka gaadhaan kooxda Real Madird markii 2-aad oo xiriir ah 4 maalmood gudohooda.

Dhanka kale Real Madrid ayaa kulanka u soo galaysa in ay iska maydho ceebtii kulankii Arabacdii guusheedii ugu horaysayna ka gaadho Barcelona Xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Real Madrid Vs Barcelona

Tartanka La Liga

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Santiago Bernabue

XAQIIQOOYINKA KULANKA

Kooxda Barcelona ayaa ah kooxda guulaha badan marka la tiriyo kaliya kulamada horyaalka La Liga iyada oo Real Madrid ka badisay 72 kulan halka ay Real Madrid Badisay 71 kulan.

Real Madrid ayaan Barcelona guul ka gaadhin 5-tii kulan ee ugu dambeeyay La Liga iyada oo guuldaro la kulantay 3 kulan iyo 2 bar-baro waana rikoodhkeedii ugu xumaa ee kulanka El Clasico ee La Liga tan ilaa December 2011 (7).

Barcelona ayaa noqon karta kooxdii ugu horaysay ee taariikhda horyaalka La Liga 4 kulan oo xiriir ah Real Madrid uga badisa garoonkeeda iyada oo ilaa haatan 4 kulan uga badisay kana dhalisay 10 gool lagana dhaliyay kaliya 2 gool.

Real Madrid ayaa wajahaysa xog ay adagtahay in la macneeyo maadama ayna guul ka gaadhin Barcelona kulamada garoonkeeda ka dhaca 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ciyaarayay xiddiga Gareth Bale.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here