HORDHAC : Real Madrid VS Athletic Bilbao? Xidigaha labada dhinac ka maqan, xogta kulanka iyo safafka macquulka ah

0

Kooxda Real Madrid ayaa minankeeda ku soo dhaweeneysa Kooxd Athletic Bilbao kulan ka tirsan horyaalka Dalka Spain ee La Lig.

Los Blancos ayaa doonsys in ay ka soo kabsato guul darii agu dambeysay ee soo gaartay habeenimadii isniinti ee todobaadkii la soo dhaafay, wallow kulankan lagu ciyaaryo groonkooda oo ay ku soo badiyeen sedexdii kulan ee la soo dhaafay.

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka :

Sergio Ramos ayaa garoomada ka maqnaan doona ilaa dhamaadka bishaan madaama uu soo gaaray dhaawac , sidaasi darteed Nacho aya ka ciyaari doona daafaca dhexe.

Isco ayaa la filayaa inuu ku soo bilowdo weerarka halka Fede Valverde uu rajeynayo inuu kusoo bilowdo khadka dhexe madaama Toni Kroos uu xanuunsanayo.

Alvaro Odriozola ayaa maqnaan doona inta k harsan xilli ciyaareedka kaddib markii uu dhaawac ka soo gaaray tababarka.

Geesta kale Kooxda Athletic Bilbao waxaa ka maqnaan doona Dani Garcia , laakiin Mikel San Jose ayaa diyaar ah ka dib ganaax uu ku maqnaa kulankii hore.

Oscar De Marcos ayaa qaba dhaawac fudud , lakiin waxaa la filayaa inuu ku soo bilowdo dambeedka daafaca midig.

Xidigaha kala ah Inigo Cordoba iyo Iker Muniain ayaa ku soo bilaaban doona labada garab ee weerarka kulanka caawa ee ay la qadanayaan Kooxda Real Madrid.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Real Madrid VS Athletic Bilbao? ( La Liga)

Goorta : 5:15 oo Galabnimo

Goobta :  Santiago Bernabeu

Garsoorka : Mario Melero Lopez

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta ka hor kulanka :

Real Madrid ayaa barbaro gashay seddexdii kulan ee ugu dambeeyey ee ay la ciyaartay Athletic Bilbao tartamada oo dhan.

Real Madrid ayaa dhalineysay ugu yaraan 2 gool seddexdii kulan ee ugu dambeeyey ee ay garoonkoodu ku ciyaaraan.

Kooxda lagu naaneeso Los Blancos ayaa badisay seddexdii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ku ciyaraan garoonkood horyaalka La Liga.

Kooxda Athletic Bilbao ayaa laga badinayey 12-ka mid ah 13-kulan ee ugu dambeeyey ee ay soo booqdaan garoonka Santiago Bernabeu.

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here