Hordhac: Real Madrid vs Al Ain: Los Blancos Oo Bartilmaameedsanaysa Ku Guulaysiga Club World Cup-ka Markii 3-aad Oo Xiriir Ah

0

Real Madrid ayuu hal kulan ka xigaa in ay mar kale ku guulaysato koobka Club World Cup-ka xilli Los Blancos la ciyaari doonto kooxda Al Ain Finalka Club World cup-ka.

Ku guulaysigii Real ee champions League 3-aad oo xiriir ah ayaa boos uga baneeyay tartanka Club World cup-ka sanadka 2018 iyada oo ay kooxda Santiago Solari la ciyaari doonto kooxdii ku guulaystay UAE champions.

Saddexleydii uu dhaliyay Gareth Bale ayaa Real Madrid u diray fianlka tartanka iyaga oo haatan isha ku haya in ay markii 3-aad oo xiriir ah ku guulaystaan tartanka:

Kulanka: Real Madrid vs Al Ain

Tartanka: Club World Cup Final

Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo

Garoonka: Zayed Sports City Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midii ugu horeeyay ee dhex mara labada kooxood ee Real Madrid iyo Al Ain kadib markii ay labada kooxood ka soo kala badiyeen River Plate & Kashima Antlers Semi-finalkii tartanka.

Si kasta ha ahaatee Real Madrid ayaa horay ula ciyaartay koox Imaaraad ah iyada oo 2/1 ku garaacday kooxda Al Jazira Semi-finalkii sanadkii hore iyada oo ay Ronaldo & Bale dhaliyeen 2-da Gool.

Shaxaha Macquulka Ah Ee Kulanka:

Real Madrid:

Courtois; Carvajal, Varane, Ramos, Marcelo; Modric, Kroos, Casemiro; Bale, Benzema, Lucas

Al Ain

Essa; Shiotani, Fayez, Ismail, Ahmad; Abdulrahman, Barman, Doumbia; El Shahat, Berg, Caio

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here