Hordhac: Real Madrid Vs Ajax: Los Blancos Oo Rikoodh Taariikhi Ah Ka Dhigi Doonta Champions League

Kooxda Real Madrid ayaa barti galin doonta kooxda Ajax Kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo wakhti adag ku jira kadib markii ay 3 kulan oo xiriir ah Guuldaro ahaayeen kulanka El Clasico.

Laakiin Real ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo guul ka soo gaadhay kooxda Ajax kadib markii ay 2/1 uga soo badiyeen kooxda reer Holland.

Kooxda Ajax ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaysa in ay ka yaabsadaan Real Madrid kana reebaan tartanka Champions League.

Kulanka: Real Madrid Vs Ajax

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Santiago Bernabeu

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

100% kooxaha 2/1 ku soo badiyay lugta 1-aad ee ay martida yihiin ayaa u gudbay wareega xiga ee 8 dhamaadka tartanka champions League.

Real Madrid ayaa badisay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan ay la ciyaartay kooxda Ajax iyaga oo dhalisay 22 kulan halka laga dhaliyay 3 kulan.

Waxa 22 sano ka soo wareegtay markii ugu dambaysay ee ay kooxda Ajax u soo baxday wareega 8 dhamaadka tartanka champions League markaas oo ay garaaceen Atletico Madrid.

Kooxda Real Madrid ayaa wareega 8 dhamaadka tartanka champions League gaadhay 8-dii sano ee ugu dambaysay tartanka waliba u gaadhay si xiriir ah waana rikoodh taariikhi ah waxana ay markii 9-aad iska xaadirin kartaa wareega 8 dhamaadka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here