Hordhac: Real Betis Vs Real Madrid: Los Blancos Oo Raadinaysa Guusheedii Ugu Horaysay Ee Sanadka 2019 Ee La Liga

0

Kooxda Real Madrid ayaa si adag ku bilaabatay sanadka 2019 kadib markii ay bar-baro ay kala kulmineen Villarreal iyo guuldaro Real Sociedad ah ku bilowdeen saandka cusub.

Los Blancos oo haatan 10 dhibcood ka dambaysa kooxda hogaanka u hasa horyaalka La Liga ee Barcelona ayaa isha ku haysa in ay ku soo laabato wadada guulaha.

Dhanka kale kooxda Real Betis oo boos fican kaga jirta kala saraynta horyaalka ayaa doonaysa in ay sii dhaawacdo Kooxda Real Madrid mar kalena guuldaro bado.

Kulanka: Real Betis vs Real Madrid

Tartanka: La Liga

Wakhtiga: 10:45 Habeenimo

Garoonka: Estadio Benito Villamarin

Kooxda Real Madrid ayaa goolal badan dhalisay kulamadii ugu dambeeyay ee ay Betis ku booqatay garoonkeeda Benito Villamarin.

Los Blancos ayaa dhalisay 11 gool labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Betis kula ciyaartay garoonkeeda Benito Villamarin (1-6 & 3-5).

Si kasta ha ahaatee Real Betis ayaa garaacday Real Madrid kulankii ugu dambeeyay ee ay wada ciyaaraan kaas oo ka dhacay Santiago Bernabeu iyaga oo uga badiyay 1/0.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here