Hordhac: Paris Saint-Germain vs Manchester United: Reds Devils Oo Doonaysa In Ay Qabato Hawlgal Aan Macquul Ahayn

Kooxda Man United ayaa marti u noqon doonta kooxda Paris Saint-Germain Kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyada oo ay ka maqan yihiin 10 xiddig sidoo kale lugtii hore la kulantay guuldaro 2/0 ah oo lama filaan ah.

PSG ayaa dhankeeda doonaysa in ay dhamaystirto shaqadii ay bilowday Lugtii hore iskana xaadiriso 8 dhamaadka tartanka champions league.

Kulanka: Paris Saint-Germain Vs Man United

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Parc des Princes

XAQIIQOOYINKA KULANKA

Ma jirto koox abid lugta 1-aad garoonkeeda looga badiyay waliba laga dhaliyay 2 gool iyo wax ka badan oo u soo baxday wareeg xiga 34 jeer oo hore ayay sidaas dhacday.

Paris Saint-Germain Ayaa laga badiyay kaliya hal kulan oo ka mid ah 16-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay iyada oo uu kulankaas yahay midkii Real Madrid ee xilli ciyaareedkii hore.

6-dii kooxood ee ugu dambeeyay ee premier League Paris Saint-Germain kaga hor tagay garoonkeeda ayaa dhamaantood ku fashilmay in ay guul ka gaadhaan Iyada oo kooxdii ugu dambaysay ee sidaas samaysay ahayd Chelsea 2004 markii uu hogaaminayay Jose Mourinho.

Paris Saint-Germain ayaa dhalisay 35 gool 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay champions League laakiin aan shabaqooda ilaashan 5-tii kulan ee ugu dambaysay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here