Hordhac: Newcastle United Vs Man United: Newcastle Oo Man United Ku Dhigi Karta Rikoodh Ayna Ku Dhigin Red Devils 32 Sano

Man United ayaa su fari doona Garoonka St. James’ Park oo ay kula ciyaari doonto kooxda Newcastle United kulan ka tirsan todobaadkii 21-aad ee horyaalka premier League.

Newcastle United ayaa kulanka u soo gali doonta iyada oo raadinaysa guusheedii 2-aad 8 kulan oo ay ciyaarta horyaalka premier Leageu.

Laakiin waxa ay wajahaysaa kooxda dib u heshay qaab ciyaareedkeedii fiicnaa ee Man United kuwaas oo isha ku haya guushoodii 4-aad oo xiriir ah xilli ciyaareedkan.

Kulanka: Newcastle United Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka:St. James’ Park,

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Paul Pogba Ayaa noqon kara xiddiga 2-aad ee kaliya eee Man United u dhaliya ugu yaraan 2 gool 3 kulan oo premier League ah oo xiriir ah kadib Cristiano Ronaldo oo sidaas sameeyay December 2006.

Kadib markii ay Newcastle Man United ka badisay kulankii garoonkeeda ka dhacay xilli ciyaareedkii hore waxa ay Newcastle raadinaysaa in ay United ka gaadho laba kulan oo xiriir ah markii ugu horaysay tan ilaa 1987.

Tababaraha Newcastle ee Rafael Benitez ayaa Man United ka badiyay mid kasta oo ka mid ah 4-tii kulan ee uu Man United kula ciyaaray garoonka kooxdiisa tartamada oo dhan laba waxa uu kaga badiyay Liverpool, hal kulan Chelsea hal kalena Newcastle.

Tababaraha Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa noqon kara tababaraha 2-aad ee kaliya ee Taariikhda Man United guul gaadha 4-tiisii kulan ee ugu horeeyay kadib Matt Busby oo sidaas sameeyay 1946

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here