Hordhac: Newcastle United Vs Man City: Citizen Oo Hal Dhibic U Jirsan Doona Hogaamiyayaasha Hadii Ay Badiyaan.

0

Kooxda Man City ayaa marti u noqon doonta kooxda Newcastle United kulan ka tirsan todobaadkii 24-aad ee horyaalka premier League.

Man City ayaa kulanka u soo galaysa in ay gaadho guul ka caawisa in ay hal dhibic u jirsato hogaamiyayaasha horyaalka ee Liverpool oo ciyaari doona Arbaca.

Dhanka kale kooxda Newcastle United ayaa kulanka u soo galaysa iyada oo raadinaysa guusheedii 2-aad oo xiriir ah tan ilaa bishii November.

Kulanka: Newcastle United Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: St. James’ Park

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City ayaan wax guuldaro ah la kulmin 22-kii kulan ee ay la ciyaareen Newcastle premier league waana rikoodhkooda ugu dheer ee ay koox kale ku leeyihiin tartanka.

Newcastle United ayaa badisay 4 ka mid ah 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku marti galisay kooxaha maalintaas ku jira 2-da boos ee ugu sareeya premier League iyaga oo guuldaro kala kulmay Arsenal bishii December 2013 iyo Man City bishii December 2017.

Weeraryahanka Man City ee Sergio Aguero ayaa dhaliyay 14 gool 12-kii kulan ee uu premier League ka hor tagay Newcastle waana kooxda ugu badan ee uu sidaas ku sameeyay taariikhda premier League.

3-dii gool ee ay ka dhaliyeen Cardiff City kulankoodii ugu dambeeyay ee premier League ayaa ah in ka badan intii ay dhaliyeen 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee tartanka, waxana ay ahayd markii ugu horaysay ee ay dhaliyaan wax ka badan 2 gool premier League xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here