Hordhac: Manchester United Vs Paris Saint-Germain: Red Devils & Hantiilayaasha Oo Markii Ugu Horaysay Ku Kulmi Doona Champions League

0

Waxa dib u bilaabmi doona tartanka champions League wareega 16-ka iyada oo ay kooxda Man United marti galin doonto PSG kulan xiiso leh si weyn loo sugayo.

Man United oo wakhti cajiib ah ku jirta ayaa isha ku haysa in ay ka faa,iidaysato wakhtiga fiican iyo waliba garoonkooda Old Trafford.

Dhanka kale kooxda PSG oo ay hadheeyeen dhaawacyo ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay ugu yaraan natiijo fiican ugala bixi lahaayeen kulanka.

Kulanka: Manchester United Vs Paris Saint-Germain

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midii ugu horeeyay ee ay labada kooxood isaga hor yimaadaan tartan Rasmi ah inkasta oo ay isaga hor yimaadeen tartanka lagu ciyaaro America ka hor bilowga xilli ciyaareedka cusub iyada oo ay PSG ku badisay 2/0.

Kooxda Man United ayaan waligeed guuldaro kala kulmin garoonkeeda iyad aoo joogto kooxda reer France ah iyada oo badisay 10 kulan oo ka mid ah 13 kulan oo ay la ciyaartay waliba wareega xiga u gudubtay 6 ka mid ah 7 kulan oo laba lugood ah.

Dhanka kale kooxda PSG ayaa waligeed badisay hal kulan 10 kulan oo ay soo booqtay kooxaha premier league waxana ay guushaas 2016 ka gaadheen kooxda Chelsea wareegan oo kale.

Shaxda Macquulka ah ee labada Kooxood:

Man Utd: De Gea; Young, Smalling, Jones, Shaw; Herrera, Matic, Pogba; Lingard, Rashford, Martial

PSG: Buffon; Kehrer, Silva, Kimpembe, Bernat; Marquinhos, Verratti; Nkunku, Di Maria, Draxler; Mbappe

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here