HORDHAC : Manchester United VS Man City? City oo xaqiijisan karta hanashada horyaalka iyo United oo liverpool ka saacideen karta in markii ugu horeeyey ay koobkan gacanta ku dhigaan

0

labada Manchester oo isku magaalo ah  ay ayaa ku garami doona qalcada weyn ee Old Trafford xili kulankan uu sameenayo is badal xaga faraqiga dhibcaha ah.

City waxa ay mari doontaa imtixaan keeda ugu dambeeya ee horyaalka si ay u xaqiijiso in hogaanka si toos ula wareegto balse waa hadii ay garaacaan United, lkn hadii ay qasaaraan kooxda Liverpool ayaa ahaan doonta hogaamiyaasha horyaalka Premier league.

Maxaa ka cusub labada Koox ka hor kulanka:

Manchester United macalinkooda ayaa isbedel ku sameyn doona dambeedka afartiisa  daafaca ka dib markii Phil Jones uu ku dhaawacmay  kulankii Everton.

Ander Herrera ayaa la filayaa inuu diyaar noqdo ka dib afar isbuuc uu ku maqnaa dhaawac bowdada ka soo gaaray, halka Luke Shaw uu ka soo laabtay ganaax.

Dhica kale kooxda Man City ciyaaryahankooda khadka dhexe ee  Kevin de Bruyne ayaa seegi doona kulanka Derby Manchester ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray muruqa Isbuucii lasoo dhaafay.

Gool haye Claudio Bravo ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee ku maqan dhaawac muddo dheer.

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka : Manchester United VS Man City? ( Premier League)

Goobta : Old Trafford

Goorta : 10 : 00 oo Habeenimo

Garsoorka : Andre Marriner

Xaqiiqooyinka laga diwaan giliyey ciyaarta :

Manchester City ayaa badisay shan ka mid ah 7dii kulan ee ugu dambeeyey ee Premier League oo ay ku ciyaarto Old Trafford (1-bareejo iyo 1-qasaaro) balse waxaa xusid mudan in ay badiyeen hal kulan oo ka mid ah 14kii kulan ee ugu horeeyey ee ay soo booqdaan Old Trafford.

7 guul oo banaanka ah oo ay City ka hesho dhigeeda United, Man City ayaa loo diiwaan gilin donaa rikoor weyn kaas oo ah kooxda ku badisay Old Trafford tiro kabadan Chelse oo garoonka Masraxa Riyada ku badisay lix jeer.

United ayaa laga badiyay lix ka mid ah sideedii kulan ee ugu dambeeyey tartamada oo dhan markii ugu horeysay tan iyo 1989.

Red devles Waxa laga dhaliyey 48 gool xilli ciyaareedkan, waana inta ugu badan ee laga dhaliyo xilli ciyaareedyadii la soo dhaafay tan iyo markii laga dhaliyey 63 gool sanad ciyaareedkii 1978-79.

Manchester City ayaa badisay 10kii kulan ee ugu dambeeyey ee Premier League, rikoorkooda ugu dheer ee guuleed waa 18-kulan waaxa ayna guulahaas gaareen intii u dhaxeysay bishii August ilaa iyo bishii December sanadkii 2017.

Kooxda Man City ayaa ku badineysay Old Trafford seddexdii xilli ciyaareed ee ugu danbeyey ee horyaalka Premier League ay ku guuleystaan : 6-1 ayey ku badiyeen xilli ciyaareedkii 2011-12, 3-0 xilli ciyaareedkii 2013-14 iyo 2-1 oo aheyd xili ciyaareedkii hore 2017-18.

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here