Hordhac: Man United Vs West Ham: Red Devils Oo Ka Fogaanaysa Rikoodh 26 Sano Ka Hor Ay Dhigeen.

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda West Ham kulan ka tirsan todobaadkii 34-aad ee horyaalka premier League kulan ka dhici doona garoonka Old Trafford.

Kadib Markii ay bishii March ku bilaabatay kaalinta 6-aad ee kala saraynta horyaalka premier League Man United ayaa dib ugu laabatay kaalinta 6-aad kadib markii ay 2 guuldaro la kulantay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay.

West Ham aya dhanka kale isha ku haysa in ay horumariso rikoodhkeeda kulamada ay martida u tahay kooxaha waaweyn iyada oo aan wax guul ah ka gaadhin 19-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Kulanka: Man United Vs West Ham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30 Habeenimo

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Man United ayaan wax guul ah gaadhin 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League ee ay ciyaartay kadib tartamada yurub iyaga oo guuldaro kala kulmay Man City, Liverpool iyo Arsenal bar-barana la galay Southampton.

Kadib markii ay 3/1 uga badisay Man United kulankii qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan kooxda West Ham ayaa doonaysa in ay laba guulood ka gaadho Red Devils xilli ciyaareed kaliya premier League markii ugu horaysay tan ilaa 2006/2007.

Romelu Lukaku ayaa 6 gool ka dhaliyay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay ee uu West Ham kaga hor tagay garoonka koxodiisa, kaliya 4 xiddig ayaa goolal badan oo xiriir ah koox kaliya kaga dhaliyay garoonkooda waxana ay kala yihiin Alan Shearer v Everton, Thierry Henry v Aston Villa, Jimmy Floyd Hasselbaink v West Ham (6) Iyo Sergio Aguero Vs Liverpool (7).

West Ham ayaa laga badiyay 6 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda iyaga oo ku fashilmay in ay xitaa wax gool ah dhaliyaan.

Hadii ay Man United guuldaro kala kulanto kulanka waxa ay noqon doontaa guuldaradii 6-aad ee 5-tii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan taas oo ah rikoodh ayna dhigin tan ilaa 1992-kii

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here