HORDHAC: Man United Vs Watford- Ole Gunnar Solskjaer Oo Waayihiisa Rasmiga Ah ee Red Devils Bilaabanaya, Shaxaha Macquulka Ah Iyo Xogta Kulankan Ee Labada Kooxood.

Kadib kulamadii caalamiga ahaa ee labada usbuuc lagu maqnaa, Manchester United ayaa dib ugu soo laabanaysa kulamdii horyaalka Premire league iyada oo Red Devils halkeeda ka sii wadan doonta dagaalka ay ugu jirto in ay kaalmaha sare ee Premier league ku soo baxdo.

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford kusoo dhoweynaysa gellinka dambe ee Sabtida kooxda Watford, waana ciyaartii ugu horreysay ee tababare Ole Gunnar Solskjaer uu hoggaamiyo Manchester United intii si rasmi ah loogu magacaabay tababaraha kooxda hoggaamin doona saddexda sannadood ee soo socda.

Tababaraha reer Norway oo qaab ciyaareed wanaagsan muujiyey 19 ciyaarood oo United uu macallin u ahaa ayaa kasbaday quluubta taageereyaasha, maamulka iyo ciyaartoygaba, waxaanay ku abaal-mariyeen qandaraas saddex sannadood ah oo lixdii bilood ee ku-meelgaadhka ah ay ugu baddaleen.

Saddexdii bilood ee ugu dambeeyey ee uu xilka hayey Solskjaer garoonka Old Trafford wuxuu ahaa mid ay hadhaysay farxad iyo dhoola-caddayn, laakiin Arsenal iyo Wolves ayaa ka jiidhay qosolka markii ay laba guul-darro iskugu xigsiiyeen kulamo ka kala tirsanaa Premier League iyo FA Cup.

Solskjaer oo haysta dhiiranaan hor leh ayaa si adag ciyaartoygiisa ugu diyaariyey kulanka Watford ay ku martigelinayaan, waxaana uu mar kale u shidaal qaadanayaa sidii uu usii wadi lahaa guulihii cajiibka ahaa ee uu ka keenay ciyaarihii Premier League oo 32 dhibcood uu ka keenay 39 suurtogal ahaa, taas oo ka dhigan in toddoba dhibcood oo kaliya uu lumiyey.

Manchester United oo kaalinta afraad ku jirta ayaa markii ay taariikhdu ahayd March 10 oo ku beegnayd maalin Axad ah waxay safar ugu tagtay Arsenal, balse waxay lasoo laabatay guul-darro 2-0 ah iyo booskii afraad oo laga saaray oo laba dhibcood ay uga sare martay Gunners. Madax-xanuun kale ayaa helay dhamaadkii toddobaadkaas markii ay is haleeleen Wolves oo iyaduna usoo dhiibtay guul-darro kale oo 2-1 ah, kana reebtay tartanka FA Cup oo ka mid ahaa koobabkii uu ku riyoonayey tababare Ole.

Guul-darrooyinkan iskugu xigay ma noqonin kuwo niyad-jabiyey Ole, sababtoo ah, waxa shidaal u ah guulihii hore iyo kalsoonida maamulka iyo ciyaartoyguba ku qabaan, waxaana uu qorsheeyey qaabkii uu dhibcaha  uga qaadan lahaa dhibcaha isagoo dhinacna isha ku haya tartanka Champions League oo uu Barcelona kula ballansan yahay Arbacada toddobaadka dambe.

Marka aynu eegto lixdii ciyaarood ee ugu dambeeyey, natiijooyinkii Manchester United ay ka keentay horyaalka Premier League, afar kulan ayay guul gaadhay, mid barbar-dhac ah iyo khasaarihii Arsenal u xambaarisay.

Dhinaca kale, kooxda martida ah ee Watford, ayaa ka nasiib wanaagsanaatay Manchester United, waxaanay iska xaadirisay semi-finalka FA Cup kaddib markii ay jiidhay Crystal Palace, marka si guud loo eego kulamadeedii lixda ahaa ee u dambeeyey ee tartanka Premier League na, waxay guuleysatay saddex ka mid ah, laba laga badiyey iyo mid barbar-dhac ah.

Xogta Kulanka:

Tartanka: Premier League, kulanka 32aad

Kulanka: Manchester United vs Watford

Garoonka: Old Trafford

Waqtiga: 6:00 Galabnimo Ee Saacadda Geeska Afrika

Garsooraha: Stuart Attwell

Wararkii ugu dambeeyey ee labada kooxood

Ladii toddobaad ee fasaxa ahaa waxay fursad fiican siiyeen tababare Solskjaer oo dib u helay qaar ka mid ah ciyaartoygiisii dhaawacnaa.

Antonio Valencia oo muddo dheer dhaawac u jiifay ayaa dib ugu soo laabtay garoomada, waxaanu ciyaaray kulankii Ecuador ee ciyaarihii saaxiibtinimo ee toddobaadkii hore. Sidoo kale, waxa caafimaad taam ah helay Matteo Darmian oo diyaar u ah inuu ka hor tago Watford.

Eric Baily, Anthony Martial iyo Marcus Rashford ayaa dhamaantood taxadar u baahan ciyaartan, balse waxay sameeyeen tababarkii naadiga ee ugu dambeeyey, sidaas oo kalena waxa uu Solskjaer ku xisaabtami karaa Juan Mata iyo Jesse Lingard.

Weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku oo ku dhaawacmay ciyaarihii caalamiga ahaa ayaa  la filayaa inuu garoomada ka maqnaado illaa toddobaadka dambe, waxaana ay taasi keeni doontaa in weerarka dhexe uu ka ciyaaro Rashfrod.

Dhinaca kooxda martida ah ee Watford, Jose Holebas ayaa ah dhaawaca kaliya ee uu shakigu ku jiro kulankan, isaga oo dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Crystal Palace.

Troy Deeney, Gerard Deulofeu ayaa la filayaa in safka koowaad ay kusoo bilaabmaan, iyadoo naqshadda naadigu kusoo gelayaana noqon doonto 4-2-2-2, waxaana khadka dhexe tiir adag ka noqon doona Will Hughes iyo Roberto Pereyra.

Shaxda macquulka ah ee labada kooxood:

Manchester United:De Gea; Young, Smalling, Lindelof, Shaw; Herrera, Matic, Pogba; Lingard; Martial, Rashford

Watford: Foster; Janmaat, Mariappa, Cathcart, Masina; Hughes, Capoue, Doucoure, Pereyra; Deeney, Deulofeu

Rikoodhka kulamadii hore u dhexmaray labada kooxood

Man United ayaa guuleysatay 10 ka mid ah 11-kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee Premier League ee ay wada ciyaareen Watford, khasaaraha kaliya ee soo gaadhayna wuxuu ahaa September 2016.

Watford oo lagu naanayso Hornets guul la’aan ayay ahayd 11-kii ciyaarood ee  ugu dambeeyey ee horyaalka ee ay tagto Old Trafford, guushii ugu dambaysay ee ay garoonkaas ku helaana waxay ahayd 41 sannadood ka hor taas oo ay ku adkaadeen 2-1 kulan ka tirsanaa League Cup.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here