Hordhac: Man United Vs Southampton: Red Devils Oo Doonaysa In Ay Sii Wado Guulaha Xiriirka Ah.

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda Southampton kulan ka tirsan Premier League kana dhici doona garoonka Old Trafford.

Southampton ayaa ka soo baxday boosaska looga hadho premier League kadib guushii ay bartamihii todobaadka ka gaadheen kooxda Fulham.

Laakiin waxa ay marti u noqon doonaan kooxda Man United oo raadinaysa guushoodii 10-aad ee 12-kii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

Kulanka: Man United Vs Southampton

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Southampton ayaa bar-baro gashay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Man United premier League laakiin guuldaro kamay fogaan 3 kulan oo xiriir ah tan ilaa May 1989 markaas oo ayna 5 kulan guuldaro kala kulmin.

Taariikhda premier League Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay Southampton 8 kulan waana rikoodhka ugu badan si La Mid ah United ayaa rikoodhkaas oo kale ku leh Newcastle.

Xiddiga Southampton ee James Ward-Prowse ayaa dhaliyay 4 gool oo premier League ah xilli ciyaareedkan waana rikoodhkiisii ugu fiicnaa.

Weeraryahanka Man United ee Romelu Lukaku ayaa ku lug lahaa 9 gool 10-kii kulan ee uu ka hor tagay Southampton7 gool iyo 2 caawin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here