Hordhac: Man United Vs Reading: Red Devils Oo Ka Gacan Saraysa Reading Kulamadii Ugu Dambeeyay Ee FA Cup-ka.

0

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta kooxda Reading kulankoodii ugu horeeyay ee tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan kulan ka dhici doona Old Trafford.

Man United oo gaadhay finalka tartanka xilli ciyaareedkii hore markaas oo ay u wayday kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay si fiican ku bilaabato.

Kooxda ku ciyaarta Old Trafford oo dib u heshay qaab ciyaareedkeedii fiicnaa ayaa doonaysa in ay iska xaadiriso wareega xiga.

Dhanka kale Reading ayaa isha ku haysa in ay ka yaabsato Man United garoonkeedana kaga reebto tartanka FA Cup-ka.

Kulanka: Mna United Vs Reading

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 3:30 Galabnimo

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Manchester United ayaa laga badiyay kaliya mid ka mid ah 14 kulan ee FA Cup-ka iyaga oo aan guuldaro kala kulmin tan ilaa bishii January 1927 markaas oo ay Reading 2/0 ku garaacday United.

Man United ayaan laga badin 16-kii kulan ee ugu dambeeyay ee tartamada oo dhan ay ka hor tagtay Reading iyaga oo badiyay 5-tii kulan ee ugu dambeeyay xilli uu rikoodhkaa bilowday FA Cup-kii January 1936-kii.

Tan ilaa guuldaradii 2/1 ahayd ee United ka soo gaadhay Swansea wareega 3-aad ee FA Cup-ka xilli ciyaareedkii 2013/2014, United ayaa badisay dhamaan 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee wareegan iyaga oo laga dhaliyay kaliya hal gool.

Markan ayaa ah xilli ciyaareedkii 7-aad oo xiriir ah oo ay Reading ku bilaabatay FA Cup-ka meel ka baxsan garoonkeeda iyada oo baisay 2, bar-baro gashay 2 kale lagana badiyay 2 kulan 6-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here