Hordhac: Man United Vs Liverpool: Xogta Aad Uga Baahantahay El Clasico-da England

Kooxda Man United ayaa marti galin doonta Liverpool kulan ka dhici doona garoonka Old Trafford kana tirsan todobaadkii 27-aad ee horyaalka premier League.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay sii dheeraystaan rikoodhkooda 9-ka kulan ee guul daro la,aanta ah premier League tan ilaa markii uu Solskjaer qabtay kooxda.

Dhanka kale Liverpool oo haatan ku jirta kaalinta 2-aad aya rajaynaysa in ay sii dheeraysato 5-ta kulan ee ay guuldaro la,aanta tahay.

Kulanka: Man United Vs Liverpool

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 5:05 Galabnimo

Garoonka: Old Trafford:

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaa badisay 7 ka mid H 9-kii kulan ee ay Liverpool kula ciyaartay garoonka Old Trafford horyaalka premier League.

Liverpool oo 3/1 ku badisay kulankii ay Man United kula ciyaaraysay Anfield premier League ayaa doonaysa in ay laba kulan ka badiso horyaalka Man United markii ugu horaysay tan ilaa 2013/2014.

Kulankan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee ay Man United marti galisay Liverpool oo kaalin ka saraysa ku jirta horyaalka tan ilaa October 1996.

Liverpool ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 13-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier League ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda si kasta ha ahaatee wax guul ah may gaadhin kulamada ay la ciyaarto kooxda maalinta ku bilaabaynaysa 4-ta boos ee ugu sareeya horyaalka 7-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here