Hordhac: Man United Vs Huddersfield Town: Red Devils Oo Doonaysa In Ay Sii Wado Guulaha

0

Kooxda Man United ayaa Old Trafford ku marti galin doonta kooxda Huddersfield Town kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka premier league.

Red Devils ayaa doonaysa in ay sii wado qaab ciyaareedka fiican siina wado guulaha kadib 5/1 ay uga badisay kooxda Cardiff City kulan premier League ahaa.

Dhanka kale kooxda Huddersfield Town ayaa kulanka galaysa iyada oo la kulantay shan guuldaro oo xiriir ah kulamada horyaalka premier League.

Kulanka: Man United Vs Huddersfield Town

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man United ayaan waligeed Old Trafford guuldaro kala kulmin kooxaha Yorkshire, iyada oo badisay 26 kulan bar-barana gashay 6 kulan Kooxdii ugu dambaysay ee ka dhisnayd dhulka loo yaqaano Yorkshire ee kulan League ah ku badiya Old Traaford ayaa ahay Sheffield Wednesday kuwaas oo ku badiyay April 1986.

Huddersfield Town ayan wax gool ah ka dhalin 7 ka mid ah 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxda Man United.

Kooxda Huddersfield ayaa raadinaysa guusheedii ugu horaysay ee ay ka gaadho Man United kadib 16 isku dayday tan ilaa September 1930 markaas oo ay United kaga badiyeen 6/0.

Man United ayaa ka baxsan shanta boos ee ugu sareeya premier League maalinta ciida gaalada markii 3-aad tan ilaa markii uu Sir Alex Ferguson ka fdhiistay ciyaaraha

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here