Hordhac: Man United Vs Burnley: Red Devils Oo Raadinaysa Guusheedii 7-aad Oo Xiriir Ah Premier League

Kooxda Man United ayaa garoonka Old Trafford ku marti galin doonta kooxda Burnley kulan ka tirsan horyaalka premier league todobaadkiisii 24-aad.

Red Devils ayaa isha ku haysa guusheedii 7-aad oo xiriir ah horyaalka premier League marka ay marti galin doonto kooxda Burnley.

Dhanka kala Burnley ayaa isha ku haya in ay gaadho guusheedii 4-aad 5-tii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier League.

Kulanka: Man United Vs Burnley

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Man United ayaa leh guulaha ugu weyn salaasada premier league cel-celis ahaan iyaga oo guul gaadhay 62.5% laakiin Tababaraha Burnley ee Sean Dyche Ayaan waligiis guuldaro la kulmin Salaasada 5 kulan oo uu ciyaaray premier League.

Burnley ayaa Heshay 45%, 22-kii dhibcood ee 4-tii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier League halka ay United heshay 41%, 44-kii dhibcood ee 6-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa noqon kara tababarihii ugu horeeyay ee Abid guul gaadha 7-diisii kulan ee ugu horeeyay ee uu koox isaga oo dhaafi doona tababaryaasha Carlo Ancelotti (Chelsea) & Pep Guardiola (Manchester City) kuwaas oo 6 badiyay.

Marcus Rashford ayaa noqon kara xiddigii 3-aad ee ugu da,da yaraa ee gool dhaliya 5 kulan oo xiriir ah premier League isaga oo ka dambayn doona Nicolas Anelka (1998) & Jose Antonio Reyes (2004).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here