Hordhac: Man United Vs Brighton & Hove Albion: Tababare Ole Gunnar Solskjaer & Paul Pogba Oo Balan La Leh Taariikhda United

Kooxda Man United ayaa garoonkeeda Old Trafford kula ciyaari doonta kooxda Brighton & Hove Albion kulan ka tirsan premier League.

Red Devisl ayaa isha ku haysa guushoodii 6-aad oo xiriir ah horyaalka premier League tan ilaa marii uu Mourinho ka tagay kooxda.

Dhanka kale kooxda Brighton & Hove Albion ayaa isha ku haysa in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib markii ay guuldaro 1/0 ah kala kulmeen Liverpool.

Kulanka: Man United Vs Brighton & Hove Albion

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 PM

Garoonka: Old Trafford.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Ole Gunnar Solskjaer ayaa raadinaya in uu noqdo tababarihii ugu horeeyay ee Man United ah ee guul gaadha 6-diisii kulan ee ugu horeeyay ee uu kooxda hogaamiyay premier league.

Paul Pogba ayaa noqon kara xiddiga 2-aad ee kaliya ee Man United ah ee ugu yaraan gool dhaliya 3 kulan oo premier League ah oo xiriir ah ee gool ka dhaliya Garoonka Old Trafford kadib Cristiano Ronaldo.

Brighton & Hove Albion Ayaa badisay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Man United la ciyaartay premier League marka loo eego in ay hal kulan badisay 18-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Brihton ayaa raadinaysa 3-dii dibcood ee ugu horeeyay ee ay garoonkooda kaga qaataan kooxaha 6-da ah ee ugu sareeya kadib markii ay 9 jeer oo hore ku fadshilmeen.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here