Kooxda Man United ayaa marti gali doonta kooxda Bournemouth kulan ka dhici doona Old Trafford kana tirsan todobaadkii 20-aad ee horyaalka premier League.
Man United ayaa ku jirta kaalinta 6-aad ee kala saraynta horyaalka premier League kadib markii ay badiyeen 3 ka mid ay 4-tii kulan ee ugu dambaysay premier League.
Kooxda AFC Bournemouth ayaa ku jirta kaalinta 9-aad kadib markii ay dhigtay rikoodhkeedii ugu xumaa ee guuldarooyinka kadib markii laga badiyay 7 ka mid ah 9 kulan oo premier League.
Kulanka: Man United: Vs AFC Bournemouth
Tartanka: Premier league
Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo
Garoonka: Old Trafford
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Kadib markii ay guuldaradoodii ugu horaysay kala kulmeen kooxda Bournemouth bishii December 2015, Man United ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Bournemouth 6-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay la ciyaaren premier League 5 guulood & hal bar-baro ayay ka gaadheen.
AFC Bournemouth ayaan waligood Man United guul kaga gaadhin garoonka Old Trafford tartamada oo dhan iyaga oo 6 guuldaro iyo hal bar-baro kala baxay.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa raadinaya in uu noqdo tababarihii 3-aad ee Man United guul ku hogaamiya 3-dii kulan ee ugu horaysay isaga oo ku biiri doona Matt Busby & Jose Mourinho.
Man United ayaa isha ku haysa in ay gaadhaan guushoodii 3-aad oo xiriir ah premier League markii ugu horaysay tan ilaa bishii April markaas oo ay 5 kulan oo xirir ah gaadheen.