Hordhac: Man City Vs West Ham: Citizen Oo Kulanka Soo Galaya Iyaga Oo Kor U Qaaday Koobkoodii Ugu Horeeyay

Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda West Ham kulan ka tirsan horyaalka premier league todobaadkiisii 28-aad.

Citizen ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku guulaystay koobkoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan kadib markii ay kor u qaadeen Carabao cup-ka oo ay ka qaadeen Chelsea Axadii.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa haatan dareenkooda u soo jeedin doona horyaalka premier League iyo sidii ay u difaacan lahaayeen.

Kulanka: Man City Vs West Ham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka:Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA: Man City ayaa dhalisay ugu yaraan 2 gool 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay iyada oo badisay 14 kulan lagana badiyay hal kulan oo kale waana rikoodhka ugu dheer ee goolasha tan ilaa 1965 markaas oo ay Tottenham gool dhalisay 16 kulan oo xiriir ah.

Sergio Aguero ayaa noqon kara xiddigii ugu horeeyay ee Abid dhaliya saddexley 3 kulan oo xiriir ah oo uu ku ciyaaray garoonka kooxdiisa todobaadkan kadib markii uu goolal ka kala dhaliyay Arsenal iyo chelsea.

Tababaraha West Ham ee Manuel Pellegrini ayaa noqon doona tababarihii 3-aad ee Man City ka hor taga Premier League kadib markii uu horay u soo maamulay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here