Hordhac: Man City Vs Watford: Citizen Oo Doonaysa In Ay Sii Dheeraysato Hogaanka Premier Leageu

Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda Watford kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkii 30-aad kulan ka dhici doona garoonka Etihad Stadium.

Man City ayaa isha ku haysa in ay gaadho guushii 6-aad oo xiriir ah premier League iyo waliba in ay sii dheeraystaan hogaanka horyaalka premier League.

Dhanka kale Watford ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay guul gaadhaan guushoodii 4-aad 5-tii kulan ee ugu dambaysay premier Legaue.

Kulanka: Man City Vs Watford

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 8:30 Habeenimo

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Watford Premier League iyaga oo sidoo kale guul gaadhay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay halka ay dhaliyeen 22 gool kulamadaas lagana dhaliyay.

Sergio Aguero ayaa dhaliyay 96% dhaliyay goolasha kulamada ay man City ku ciyaarto Etihad Stadium hal gool oo kale oo uu dhaliyo ayaa ka caawin doona in uu la bar-bareeyo Alan Shearer oo 97% goolasha ku dhaliyay garoonka St James’ Park.

Aguero oo 10 gool ku lug leh kulamada premier League sanadka 2019 ayaa ka badan xiddiga Troy Deeney kaas oo ku lug leh 8 gool isaga oo dhaliyay 5 caawiyena ka noqday 3 kale.

Watford ayaa badisay 3 ka mid 4-tii kulan ee ugu dambaysay ee horyaalka Premier League waana in ka badan intii ay guul gaadheen 15-kii kulan ee hore.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here