Hordhac: Man City Vs Tottenham: Citizen Oo Doonaysa In Ay Bar-Barayso Rikoodh Ay Horay Ugu Dhigtay Tottenham, Guul Kaliya Ayaa Ka Xigta

Kooxda Man City ayaa marti galin doonta Kooxda Tottenham kulan ka tirsan todobaadkii 35-aad ee horyaalka premier LeagueKulan ka dhici doona garoonka Etihad Stadium.

Man City oo kaalinta 2-aad kaga jirta horyaalka ayaa doonaysa guusheedii 10-aad oo xiriir ah premier League iyo waliba in ay hogaanka kala wareegaan kooxda Liverpool.

Dhanka kale kooxda Tottenham oo kaalinta 3-aad ku jirta ayaa isha ku haysa guusheedii 3-aad oo xiriir ah premier League iyo waliba in ay sii xejistaan kaalinta 3-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Kulanka: Man City Vs Tottenham

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 2:30 Duhurnimo

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City ayaa garaacday Tottenham 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ka hor tagtay premier League waxana ay doonayaan in ay bar-bareeyaan rikoodhkii ugu fiicnaa ee ay ku lahaayeen oo Tottenham oo ahaa 4 guulood oo xiriir ah.

25-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Man City ciyaartay premier League ayaan ku dhamaan bar-baro waana rikoodhka ugu dheer ee premier League xilli ay city badisay 21 ka mid ah kulamadaas.

Kooxda Tottenham ayaa doonaysa in ay noqoto kooxdii ugu horaysay tan ilaa Liverpool xilli ciyaareedkii 2008/2009 kuwaas oo guul ka gaadhay labada Manchester premier League kulan ay ku ay marti u yihiin.

Kooxda Tababare Mauricio Pochettino ayaa badiyay dhamaan kulamadii premier League ee 5-ta ahaa ee ay ciyaareen Harry Kane oo ka maqan xilli ciyaareedkan kulankii ugu dambeeyay ee ay guuldaro la kulmeen Kane oo aan ciyaarayn ayaa ahaa October 2017 kulan ay guuldaro kala kulmeen Man United.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here