Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda Rotherham kulan ka tirsan wareega 3-aad ee tartanka FA Cup-ka kulan ka dhici doona garoonka Etihad Stadium.
Citizen ayaa kulanka soo galaya iyaga oo niyad fiican ku jira kadib markii ay garaaceen kooxda Liverpool dushana u saareen guuldaradii ugu horaysay ee premier League.
Sky Blues ayaa haatan doonaysa in ay wareega xiga u gudubto tartanka FA Cup-ka kuna dur-duriso kooxda Rotherham isakana xaadiriyaan wareega 4-aad.
Kulanka: Man City Vs Rotherham United
Tartanka: FA Cup
Wakhtiga: 4:30 Galannimo
Garoonka: Etihad Stadium
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Man City ayaa ku aaday kooxda Rotherham markii 2-aad ee tartanka FA Cup-ka iyaga oo amrkii hore ka badiyay kulankii ku celiska wareega 3-aad ee sanadka 1978/1979.
Markii ugu dambaysay ee ay Man City wajahday kooxda Rotherham waxa ay ahayd bishii March sanadkii 2002 waxa ay lugtii 1-aad ku dhamaatay bar-baro 1/1 ah.
Man City ayaa kaliya badisay 3 kulan oo ka mid ah 7-dii kulan ee ay FA Cup-ka la ciyaartay kooxaha heerka hose hal kulan bar-baro ayay gashay halka 3 kale laga badiyay.