Hordhac: Man City Vs Liverpool: Difaacayaasha Vs Hogaamiyayaasha & Xogta Xiisaha Leh Ee Kulanka Ugu Weyn Premier League Todobaadkan

0

Kulanka ugu xiisaha badan Premier League Todobaadkan ayaa dhex mari doona hogaamiyayaasha Premier League ee Liverpool iyo Kooxda difaacanaysa tartanka premier League ee Man City kulan ka dhici doona garoonka Etihad Stadium.

Man City oo 7 dhibcood ka dambaysa ayaa isha ku haysa kulankana u soo galaysa sidii ay u soo yaranayn lahayd dhibcaha ay ka dambeyso Liverpool.

Dhanka kale Liverpool oo aan wali wax guuldaro ah la kulmin ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u sii wadan lahayd rikoodhkeeda guuldaro la,aanta ah ee horyaalka.

Kulanka: Man City Vs Liverpool

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Sergio Aguero ayaa shabaqa soo taabtay lixdii kulan ee ugu danbeysay ee uu Ka Hor Tagay Liverpool kulamadii ka dhacay garoonka Etihad waana rikoodhka ugu fiican 100% ee uu xiddig ku leeyahay garoonkiisa koox kale taariikhda premier League.

Man City ayaa badisay kaliya hal kulan 11kii kulan ee ugu danbeysay ee ay la ciyaareen Liverpool tartamada oo dhan, inkastoo ay 5-0 ku badisay Etihad Stadium xilli ciyaareedkii hore.

Liverpool ayaa ku guuleysatay kaliya hal kulan oo ka mid ah 9kii kulan ee ugu danbeysay ee ay booqdeen Etihad Stadium, iyagoo 4-1 kaga badiyay City kulankii ugu horeeyay ee uu Jurgen Klopp hogaamiyo kooxda ee uu booqday City.

Ma Jirto koox ku fashilantay in ay ku guulaysato horyaalka premier League iyaga oo 7 dhibcood iyo wax ka badan bilowday sanadka cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here