Hordhac: Man City Vs Crystal Palace: Citizen Oo Doonaysa In Ay Sii Xoojiso Baacsiga Ay Ku Hayso Liverpool

0

Kooxda Manchester City ayaa marti galin doonta kooxda Crystal Palace kulan ka dhici doona garoonka Etihad Stadium kulan ka tirsan todobaadkii 18-aad ee horyaalka premier league.

Kooxda kaalinta 2-aad kaga jirta horyaalka premier League ayaa doonaysa in ay sii wado baacsiga kooxda ka horaysa ee Liverpool kulamada horyaalka premeier league.

Dhanka kale Crystal Palace ayaa isku dayi doonta in ay guushii ugu horaysay ka gaadho kooxda difaacanasa Horyaalka kadib 7 jeer oo ay ku fashilantay.

Kulanka: Man City Vs Crystal Palace

Tartanka: Premier league

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City ayaa kaliya laga dhaliyay 3 gool 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay Crystal Palace iyada oo shabaqeeda ilaashatay 8 kulan.

Kooxda Pep Guardiola ayaa dhamaan badisay 9-kii kulan ee ay ku ciyaartay garoonkeeda premier Leageu xilli ciyaareedkan waxa jirta kaliya 5 jeer oo ay koox guuldaro la kulmi waydo 10 kulan oo xiriir ah oo ay ku ciyaartay garoonkeeda waxana ay kala yihiin Newcastle United in 1995/96, Chelsea in 2005/06 & 2014/15 and City in 2011/12 & 2013/14.

Crystal Palace ayaa ka mid ah 2 kooxood oo kaliya oo shabaqooda ka ilaashaday Man City xilli ciyaareedkii hore iyada oo ay kooxda kale tahay Huddersfield Town.

Kooxda Man City ayaa leh rikoodhka ugu dheer ee guuldaro la,aanta kulamada horyaalka ee ee soo dhaca saacada 6:00 Geeska Africa iyo 3 Uk maalinta Sabtida iyaga oo badiyay 15 kulan waliba dhaliyay 57 gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here