Hordhac: Man City Vs Chelsea: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Xiisaha Leh Ee Ka Dhici Doona Etihad Stadium

Kooxda Man City ayaa marti galin doonta kooxda chelsea kulanka ugu xiisaha badan premier League todobaadkan kulan ka dhici doona Etihad.

Man City ayaa kulanka u soo galaysa iyaga o isha ku haya in ay ku soo laabtaan hogaanka horyaalka premier League kadib markii ay Liverpool kala wareegtay.

Dhanka kale Chelsea ayaa isha ku haysa in ay ku soo laabato kaalinta 4-aad kadib markii ay Man United kala wareegtay kadib guushii Fulham

Kulanka: Man City Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:00 Fiidnimo

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City ayaa dhigi doonta rikoodh premier League ah oo ah in ay ugu yaraan 2 gool dhaliso 15 kulan oo xiriir ah oo ay ku ciyaartay garoonkeeda waxa ay haatan la bar-baro tahay Liverpool oo rikoodhkaas dhigtay 2013/14.

Tababare Pep Guardiola ayaa 3 guuldaro oo horyaalka ah kala kulmay kooxda Chelsea waana koox ka badan kooxihii uu ka hor tahay intii uu tababaraha ahaa.

Chelsea ayaan 7 kulan oo xiriir ah oo premier League ah aan guuldaro kala kulmin kooxda difaacanaysa premier League waxana ay noqon kartaa kooxda 3-aad ee kaliya ee 4 kulan ka badisay koox difaacanaysa horyaalka iyada oo ka dambayn doonta Liverpool & Man City.

Blues oo qaybtii hore ee xilli ciyaareedkan premier League garaacay Man City ayaa 10 jeer laba kulan ka badisay City premier League waana kooxda ugu badan ee ay sidaas ku samaysay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here