Hordhac: Man City Vs Chelsea: City & Blues Oo Markii Ugu Horaysay Isaga Hor Iman Doona Finalka Carabao Cup

Kooxaha Chelsea iyo Man City ayaa isaga hor iman doona finalkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan marka ay Wembley isaga hor iman doonaan.

Kulanka ayaa ah mid si weyn loo sugayo marka loo eego in ay kooxda Man City doonayso in ay difaacato tartanka oo ay sanadkii hore ku guulaysatay.

Dhanka kale taageerayaasha Chelsea ayaa sugaya jawaab iyo aar gudasho fiican kadib markii ay guuldaro ceeb ka soo raacday oo 6/0 ah kala kulantay Man City.

Kulanka: Man City Vs Chelsea

Tartanka: Carabao cup Final

Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo

Garoonka: Wembley

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxaha chelsea iyo Man City ayaa isaga hor iman doona Finalka Carabao cup-ka markii ugu horaysay labada kooxood ayaa koobkan ku guulaystay min 5 jeer.

Kulankan ayaa noqon doona midkii ugu horeeyay ee ay kooxaha Man City iyo Chelsea isaga hor iman doonaan Carabao cup-ka tan ilaa 1993/1994 markaas oo ay Man City 1/0 ku badisay.

Marka lagu daro Kulamada Community Shield kooxaha chelsea iyo Man City ayaa kaliya hal mar oo hore ku kulmay Final kaas oo ahaa finalkii Full Members Cup ee dhacay 1985/1986 markaas oo ay ay Chelsea guul 5/4 ka gaadhay Mann City xilli uu Finalkaas yahay midka ugu goolasha badan taariikhda Finalada lagu qabtay Wembley.

Kooxda Man City oo sanadkii hore ku guulaystay kooban ayaa doonaysa in ay noqoto kooxda 4-aad ee difaacatay tartanka kadib Manchester United, Liverpool & Nottingham Forest.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here