Hordhac: Man City Vs Brighton: Citizen Oo Doonaysa In Ay Iska Xaadiriso Finalka FA Cup-ka

Kooxda Man City ayaa la ciyaari doonta kooxda Brighton and Hove kulan ka tirsan Semi-finalka tartanka FA Cup-ka kana dhici doona garoonka Wembley Stadium .

Man City oo fursad u haysata in ay ku guulaystaan 4 koob ayaa la filayaa in ay is badal ku sameeyaan shaxdooda sabab la xidhiidha in ay bartamaha toodbaadkan la ciyaari doonaan Tottenham kulan ka tirsan premier League.

Dhanka kale Brighton oo isha ku haysa in ay taariikh dhigto iskana xaadiriso finalka FA Cup-ka ayaa ku soo gali doonta shaxdooda ugu adag si guul uga gaadhaan Man City.

Kulanka: Man City Vs Brighton

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo

Garoonka: Wembley Stadium 

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midii ugu horeeyay ee dhex mara kooxaha Man City iyo Brighton tartanka FA Cup-ka tan ilaa January 1983 markaas ay ku kulmeen Semi-finalka tartanka iyada oo Brighton garaacday City.

Brighton ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 11-kii kulan ee ay ka hor tageen Man City tartamada oo dhan guushaas ayaa timid sanadkii 1989 markaas oo ay 2/1 uga badisay City.

Man City ayaa iska xaadirisay Finllka 10 ka mid ah 13-kii Semi-fina ee FA Cup-ka iyada oo ay ku jiraan 8 ka mid ah 9-kii ugu dambeeyay, Si kasta ha ahaatee City ayaan waligeed Laga badin laba Semi-final oo xiriir ah tartanka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here