Hordhac: Man City Vs Arsenal: Xaqiiqooyinka Muhiimka Ah Ee Kulanka Lafa Jabiska Ah Ee Todobaadkan

Kooxda Man City ayaa isha ku haysa in ay ka soo laabato guuldaradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaadhay Newcastle Bartamihii todobaadka.

Man City ayaa sidoo kale isha ku haysa guushoodii 5-aad 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka premier League.

Dhanka kale Arsenal ayaa doonaysa in ay gaadho guusheeedii 4-aad, 5-tii kulan ee ugu dambaysay ee ay ku ciyaaraan Etihad.

Kulanka: Man City Vs Arsenal

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 7:30 Fiidnimo

Garoonka: Etihad Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City ayaa guul gaadhay 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Premier League ka hor tagtay kooxda Arsenal waxana ay ka dhigi karaan guusheedii 4-aad ee ay ka gaadho Arsenal markii ugu horaysay tan ilaa April 1937.

Arsenal ayaa guuldaro la kulantay 11-ka mid ah 19-kii kulan ee premier League ay ku ciyaartay meel ka baxsan garoonkeeda iyada oo kaliya hal kulan shabaqeeda ilaashatay kaas oo ahaa guushii 1/0 ahayd ee ay ka gaadhay Huddersfield Town May 2018.

Man City ayaa guuldaro la kulantay 3 ka mid ah 7-dii kulan ee ugu dambaysay premier League marka ay goolka ku hor maraan kadib markii ay kaliya guuldaro la kulmeen 3 ka mid ah 96-kii kulan ee ugu dambeeyay marka ay goolka hor dhaliyaan.

Sergio Aguero Ayaa dhaliyay 7 ka mid ah 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu ka hor tagay Arsenal tartamada oo dhan inkasta oo uuna wax gool ah dhalin 2-dii kulan ee ugu dambeeyay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here