HORDHAC : Malmoe vs Chelsea halkan kaga bogo macluumaad badan oo ku saabsan kulanka …

0

Chelsea oo nus-darsan goolal ah lagu xasuuqay kualn ciyareedkii dhawaan ay la qaateen Kooxda Man City ayaa markale booqaneysa kooxda reer Swidish ee Malmoe.

Bules ayaa ku guda jirta dhibaatooyin guul darooyin ah marka ay ku ciyareyso garoon kale kulamdii ugu dambeyey , waxa ayna shiishka saaran doonan in ay iska dhaqaan ceebt soo gaartay .

Maxaa ka cusub labada koox :

Fouad Bachirou, Søren Rieks, Andreas Vindheim iyo Rasmus Bengtsson ayaa seegi kara kulanka lugta labaad hadii ay qataan cakaamad jaale ah kulanka caawa oo khamiis ah .

Adi Nalic, Anel Ahmedhodzic iyo Dusan Melicharek oo ah dhamaantood saxiixyo cusub oo kooxda ku soo biiray suuqii Janury ayaa lagu soo daray ciyartoyda kaga qeeb galeya tartanka Europe League .

Xidigaha kala ah Marcus Antonsson iyo Arnór Ingvi ayaa dagaal u gali doono midkii ku soo bilaaban lahaa kulanka caawa .

Chelsea macalinkooda Maurizio Sarri ayaa is badal ku sameen doona safkii dhawaan 6 – da gool lagu quusiyey kulankan ka tirsana horyaalka Premier League.

Callum Hudson-Odoi ayaa tiro yar ka soo muuqday kooxdiisa waana xidig mustaqbal wanaagsan kooxda ku leh waxaana macquul ah in uu ka soo muuqdo kulanka caawa.

Andreas Christensen, Gary Cahill, Ruben Loftus-Cheek iyo Ethan Ampadu ayaa dhamaantood rajeenaya in ay ku soo bilowdaan ciyaarta halka joog dheeraha reer Farance ee Olivier Giroud ay suura gal noqoto in macalin Sarri uu ka door bido Gonzalo Higuain.

Daniel Drinkwater ayaa lagu soo daray safka ciyaartoyda ugu diwaansan tartanka Europe league balse nasiib daro kama qeeb qaadan doona kulankan oo waa laga soo tagay .

Kulanka : Malmoe vs Chelsea(Eurpe League )

Goobta :Malmö New Stadium

Goorta : 11:00 oo Habeenimo

Garsoorka :Aleksei Kulbakov (Belarus)

Xaqiiqooyinka Kulanka :

Waa kulankoodii ugu horeyey ee tartan caalami ee ay is wajahaan Kooxaha Malmo iyo Chelsea. Malmo waxa ay qasaartay afar kamida shan kulan oo ay wajahday kooxo England ka socda marka qura oo ay guul gaartay waxa ay ka badiyeen Nottingham Forest ciyaar ku dhamaatay 2-1 sanadkii 1995-96 Uefa Cup.

Chelsea waxa ay ku jirtaa 7-koox oo aan marna laga badin kulamadii heerka guruubyada , mana aysan qasaarin afar mar oo ay wajahday kooxo ka socda Swedish 1-badis iyo 3-bareejo labdii ciyaar ee ugu dambeysay ee ay bareejo gasho wax gool ah lama iska dhalin.

Malmo ayaa guul ku naalooneysa 8-dii kulan ee ugu dambeeyey ee ay ku ciyaarto garoonkeeda tartamada Europe (2-badis iyo 6-bareejo ) dhamaan 7-gool oo ay xili ciyaareedkan ay ka dhalisay tartanka Europa League waxa ay imaanayeen qeebta dambe ee ciyaarta.

Chelsea ayaa dhameestirtay 3,943 oo baas xili ciyaareedkan tartankan Europa League heerkiisa guruubyada waana in labo jibaar ka badan inta baas ay sameeyeen kooxda Malmoe oo ah (1,904 baas ).

Chelsea weerarkooda Olivier Giroud ayaa dhaliyey afar gool sedexdii kulan ee ugu dambeeyey ee uu ciyaaray Europa League waana in kabadan sideed kulan oo uu saftay tartanka .

Eeg shaxda macquulka ah :

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here