Hordhac: Liverpool Vs Watford: Reds Oo Doonaysa In Ay Ku Soo laabato Wadada Saxda Ah

Kooxda Liverpool ayaa marti galinaysa kooxda qaab ciyaareedka fiican ku jirta ee Watford kulan ka tirsan premier League kana dhici doona Anfield.

Reds oo hal dhibic ku haya hogaanka horyaalka premier League ayaa doonaya in ay ku soo laabtaan wadada guulaha kadib bar-barihii Ay la galeen Man United.

Dhanka kale Watford oo Jimcihii 5 gool kaga badisay kooxda Cardiff City ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay sii wadaan guulaha.

Kulanka: Liverpool Vs Watford

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaan wax guuldaro ah kala kulmin Watford 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee premier League 5 kulan way ka badisay hal kulan bar-baro ayay la gashay iyada oo ka dhalisay 20 gool 4 kulana shabaqa ka ilaashatay.

Liverpool ayaa dhalisay ugu yaraan 5 gool 2-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Watford kula ciyaartay Anfield 6/1 iyo 5/0, kooxdii ugu dambaysay ee heerka sare ee koox kaliya 3 kulan sidaas ku samaysay ayaa ahayd kooxda Man City oo sidaas ku samaysay chelsea intii u dhexaysay 1956-57 & 1958-59.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Watford ee Gerard Deulofeu ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee saddexley u dhaliya Watford Premier League tan ilaa Mark Falco kaas oo sidaas sameeyay 1986.

Xiddigaha 3-da ah ee weerarka uga ciyaara Liverpool ayaa dhamaantood ku lug lahaa in ka badan 5 gool kulamada Liverpool ee ay la ciyaarto Watford Premier League, Mohamed salah waxa uu dhaliyay 5 gool iyo hal caawin, Sadio Mane 3 gool iyo 3 caawin Iyo Roberto Firmino 5 gool iyo 3 caawin.

Watford ayaa guuldaro kala kulantay 10-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxda maalintaas ku jirta kaalinta 1-aad ee horyaalka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here