HORDHAC : Liverpool VS Tottenham ? kaga bogo wax kasta oo ku saabsan kulanka Super Sunday

Kooxda Liverpool ayaa garoonkeeda ku soo dhaween doonta kooxda Tottenham oo kulamadii ugu dambeyey xaald xun dhexda kaga jirtay .

Reds ayaa mari doonta tijaabo aad u adag madaama qasaaro soo gaara ay la micno tahay in ay lumiyeen rajadoodii ku guuleysiga horyaalka Premmier League ee xili ciyareedkan halka kooxda Tottenham ay diirada saari doonto in ay sii ilaal sato booskeeda sedexaad .

Maxaa ka cusub labada koox ka hor ciyaarta :

Liverpool ayaa hubin doonta xaalada caafimaad ee daafeceeda  Trent Alexander-Arnold kaas oo dhaawac dhabarka uu ka soo gaaray intii lagu guda jiray waajibaadka xulkiisa qaranka .

Xherdan Shaqiri ayaa sidoo kale la tijiibin doonaa taam ahaanshiyihiisa kaddib markii uu seegay labadii kulan ee xulkiisa  Switzerland’ lkn xidigaha kala ah Joe Gomez iyo  Alex Oxlade-Chamberlain ayaa ku dhow in ay dib ugu soo laabtaan kooxda Liverpool.

Tottenham ayaa weyn doonta adeega xidiga reer England ee  Eric Dier kaas oo soo gaaray dhaawac muruqa ah intii lagu guda jiray kulan ciyareedkii England ay guusha ka gaartay xulka  Czech Republic.

Harry Winks ayaa wali dhaawac ku maqan balse waxa dib safkooda ugu soo laabanaya dambeedka daafaca midig ee  Kieran Trippier .

Serge Aurier ayaan sidoo kale seegaya kulanka caawa  ee Liverpool madaama uu qabo dhaawac muruqa ah oo ka soo gaaray wajibaadka xulkiisa qaranka ee Ivory .

Ogeysiiska Ciyaarta :

Kulanka :  Liverpool VS Tottenham (Premier League )

Goobta : Anfield

Goorta :6:30 oo fiidnimo

Garsoorka : Martin Atkinson

Xaqiiqooyinka Ciyaarta :

Liverpool ayaa qasaartay kaliya hal kulan oo ka mid ah 13-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay wajahdo kooxda Spurs kulamada horyaalka iyo tartamada kale , waxa ay guul gareen sided ka mid ah kulmadaas .

Tottenham ayaa kaliya hal mar guul ku gaartay garoonka kooxda Liverpool ee Anfield  24-kii kulan ee ugu dambeyey ee ay soo booqatay halkan , kulankaas ayaana ahaa ciyaar dhacday bishii May 2011 waxa  ayna goolasha ka heleen xidigaha kala ah  Rafael van der Vaart iyo Luka Modric.

Liverpool ayaa qasaartay kaliya hal kulan oo ka mid ah 8-kulan oo ay la ciyaartay kooxaha lixda ah ee ugu sareeya horyaalka waxaan xusid mudan in afar kulan oo ka mida ay bar-baro galeen .

Spurs ayaa guul la’aan ah afartii kulan ee ugu dambeyey ee ay ka ciyaarto horyaalka Premier League  (1-bareejo iyo, 3-qasaaro). 7-sanoa yaa ka soo wareegatya in ay guul la’aan ahaadaan  shan kulan oo xiriir ah sanad gudihii .

Sadio Mane ayaa dhalinayey gool kulan kasta oo ka mid ah lixdii kulan ee ugu dambeyey ee uu ku ciyaaray garoonka Anfield, isag oona guud ahaan dhalieyey sided gool .

Eeeg safafka macaquulka ag ka hor ciyaarta :

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here