Hordhac: Liverpool Vs Newcastle United: Reds Oo Aan 31 Sano Laga Badin Boxing Day-ga

0

Kooxda Liverpool ayaa Anfield ku marti galin doonta kooxda Newcastle kulan ka tirsan horyaalka premier League todobaadkiisii 19-aad iyada oo uu Tababare Rafa Benitez ku soo laaban doono garoonkii uu magaca ku samaystay.

Liverpool ayaa badisay 7-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay premier Leageu halka ay kooxda Newcastle kulanka soo galayso iyada oo kaliya 2 kulan guul gaadhay 9-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Kulanka: Liverpool Vs Newcastle United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Newcastle ayaa badisay kaliya labo kulan oo ka mid ah 10kii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay la ciyaareen Liverpool, afar barbaro ayay galeen, afar kale waa laga badiyay labada guulood ee ay Newcastle gaadhay ayaa ka yimid garoonkeeda St James ‘Park.

Liverpool ma aysan guul darreysan kulan ay Boxing Day-ga ku ciyaarayso garoonkeeda tan iyo 1986/87, waxaana ay badisay sideed kulan saddexna barbaro ayay gashay.

Tababaraha Newcastle ee Rafa Benitez ayaan wax guul ah gaadhin 3-dii kulan ee uu booqday garoonkiisii hore ee Anfield.

Daniel Sturridge ayaa si toos ah ugu lug lahaa sideed gool 9-kii kulan ee ugu dambeysay ee uu la ciyaaray Newcastle, isagoo dhaliyay 7 gool iyo hal caawiye.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here