Hordhac: Liverpool Vs Leicester City: Reds Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Ay Dhigtay 10 Sano Ka Hor

0

Kooxda Liverpool ayaa Anfield ku marti galin doonta kooxda Leicester City kulan adag oo ka tirsan todobaadkii 24-aad ee premier League.

Hogaamiyayaasha premier League ee Liverpool ayaa kulanka soo galaya iyaga oo guul gaadhay 11 ka mid ah 12-kii kulan ee ugu dambeeyay premier League.

Dhanka kale kooxda Leicester City ayaa guuldaro la kulantay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka premier League.

Kulanka: Liverpool Vs Leicester City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaan wax guuldaro ah la kulmin 32-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Anfield ku ciyaarto premier league 23 kulan way badisay 9 kale bar-baro ayay gashay waana rikoodhka 2-aad ee ugu dheer Premier league iyaga oo ka dambeeya Man City oo aan guuldaro la kulmin 37 kulan.

Kaliya xiddigaha Andrew Cole oo ka dhaliyay 11 Gool & Thierry Henry oo ka dhaliyay 8 ayaa ka badan goolasha uu Jamie Vardy Ka Dhaliyay Liverpool.

Liverpool ayaa isha ku haysa in ay gaadho guusheedii 8-aad oo xiriir ah premier league oo ay ku ciyaarto garoonkeeda markii ugu horaysay tan ilaa March 2010.

Kooxda Leicester City ayaan guuldaro la kulmin 3 kulan oo xiriir ah premier League tan ilaa February 2017.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here