Hordhac: Liverpool Vs Fc Porto: Reds Oo Aan Waligeed Guuldaro Kala Kulmin Kooxda Reer Portugal

Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Fc Porto kulan ka tirsan lugtii 1-aad ee 8 dhamaadka tartanka champions League kulan ka dhici doona garoonka Anfield.

Reds ayaa kulanka soo galaysa iyada oo isha ku haysa sidii ay u gaadhi lahayd natiijo ka caawisa in ay hal lug lasii gasho wareega Semi-finalka tartanka champions League.

Kooxda Fc Porto oo Liverpool bar-baro 0/0 ah ku qabatay Lugtii 2-aad ee champions League xilli ciyaareedkii hore ka dhacday Anfield ayaa doonaysa in ay mar kale ku celiso natiijadaas ama kaba badiso Liverpool si ay garoonkeeda ula tagto iyada oo ay ciyaartu furantahay.

Kulanka: Liverpool Vs Porto

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00 Habeenimo

Garoonka Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Liverpool ayaan waligeed guuldaro kala kulmin kooxda Fc Porto tartamada champions League 6-dii kulan ee hore ee ay la ciyaartay 3 guuloood iyo 3 bar-baro ayay la gashay.

Porto ayaa tartanka champions League wareega 16-ka kaga hadhay lugta Liverpool kadib markii ay lugtii hore 5/0 uga badisay kulankii 2-aadna bar-baro goolal ah la gadhay.

Liverpool ayaa wareega xiga u gudubtay 4 ka mid ah 5-tii quarter-final ee champions League ee u dhexaysay 2004/2005 ilaa 2017/2018 halka ay marka kaliya ee ayna gudbin lahayd xilli ciyaareedkii 2008/2009 markaas oo ay chelsea ka reebtay tartanka.

12-Kii gool ee ay chelsea ka dhalisay tartanka champions League xilli ciyaareedkan ayaa dhamaantood ka yimid meel ka baxsan dilinta ganaaxa halka booska kaliya ee aya ka dhalin gool ay tahay dilinta ganaaxa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here