Hordhac: Liverpool Vs Crystal Palace: Reds Oo Raadinaysa Guusheedii 7-aad Oo Xiriir Ah Oo Anfield Ah Tan Ilaa 2014

Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Mayalka Adag ee Crystal Palace kulan ka dhici doona garoonka Anfield kana tirsan todobaadkii 23-aad ee premier League.

Hogaamiyayaasha premier League ee Liverpool ayaa bartilmaameedsanaya guushoodii 11-aad 12-kii kulan ee ugu dambeeyay premier league.

Dhanka kale Crystal Palace doonaysa in ay ka soo laabato guuldaro ay todobaadkii hore kala kulantay kooxda Watford.

Kulanka: Liverpool Vs Crystal Palace

Tartanka: Premier Leageu

Wakhtiga: 6:00 PM

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINAK KULANKA:

Liverpool ayaa raadinaysa guusheedii 7-aad oo xiriir ah oo garoonkeeda Anfield ah premier Leageu markii ugu horaysay tan ilaa 2014.

Sadio Mane ayaa gool ka dhaliyay premier League kooxda Crystal Palace oo ah kooxda ugu badan ee uu ka dhaliyay isaga oo ka dhaliyay 6 gool 4 kulan oo xiriir ah.

Crystal Palace ayaa badisay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay Anfield inkasta oo ay guuldaro kala timid kulankii ugu dambeeyay.

Palace ayaa isha ku haysa in ay gaadhaan guushoodii 3-aad oo xiriir ah ah premier League ee ay ka gaadhaan meel ka baxsan garoonkooda tan ilaa February 2015.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here