Hordhac: Liverpool Vs Chelsea: Hogaamiyayaasha Oo Aan Blues Guul Ka Gaadhin 6-dii Kulan Ee Ugu Dambeeyay

Kulanka Ugu Xiisaha Badan premier League todobaadkan ayaa ka dhici doona Anfield kulan ka tirsan todobaadkii 34-aad ee horyaalka premier League kulan si weyn isha loogu hayo.

Kooxda Liverpool ayaa isha ku haysa in ay gaadho guusheedii 5-aad oo xiriir ah premier League marka ay marti galin doonto kooxda kaalinta 4-aad ee Chelsea.

Dhanka kale kooxda Chelsea ayaa kulanka u soo galaysa iyada oo doonaysa in ay gaadho guusheedii 4-aad oo xiriir ah waliba ku sii jirto tartanka kaalmaha champions league.

Kulanka: Liverpool Vs Chelsea

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:30 Galabnimo

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Liverpool ayaan guul ka gaadhin Chelsea 6-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Premier League ku ciyaartay Anfield iyada oo la kulantay laba guuldaro iyo 4 bar-baro waana rikoodhka ugu badan ee guul la,aanta ah ee ay ku leedahay koox ay kula ciyaartay garoonkeeda.

Xiddiga Eden Hazard ayaa ah xiddiga goolasha ugu badan ku lug leh premier League xilli ciyaareedkan waxa uu dhaliyay 16 gool halka uu caawiye ka noqday 12 gool oo kale.

Xiddiga Roberto Firmino ayaa dhaliyay 7 gool 6-dii kulan ee ugu dambaysay ee uu ku ciyaaray garoonka Anfield laakiin waxa uu ilaa haatan ku fashilmay in uu gool ka dhaliyo chelsea inkasta oo uu wajahay 5 kulan.

Chelsea ayaa badisay 3 ka mid ah 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti u noqotay kooxaha hogaanka ku bilaabanaya maalintaas iyada oo ay ku jirto guushii 2/0 ahayd ee ay Liverpool Anfield kaga gaadheen 2014.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here