Hordhac: Liverpool Vs Bournemouth: Reds Oo Raadinaysa Ku Soo Laabashada Wadada Guulaha Kadib 2 Bar-Baro

Kooxda Liverpool ayaa marti galin doonta kooxda Bournemouth kulan ka tirsan todobaadkii 26-aad ee horyaalka premier League.

Reds ayaa isha ku haysa in ay ku soo laabato wadada guulaha dibna ugu soo laabato hogaanka horyaalka premier League kadib laba bar-baro oo xiriir ah.

Dhanka kale kooxda Bournemouth ayaa isha ku haysa guusheedii 3-aad 4-tii kulan ee ugu dambaysay horyaalka premier League.

Kulanka: Liverpool Vs Bournemouth

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Bournemouth ayaa raadinaysa guusheedii 2-aad ee ay tartamada oo dhan ka gaadho kooxda Liverpool kadib 15 jeer oo ay isku dayday.

Liverpool ayaa bar-baro gashay kulankeedii ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay Anfield iyada oo dhaafi wayday Leicester City laakiin guuldaro may ahaan 2 kulan oo xiriir ah tan ilaa December 2017.

Mohamed Salah ayaa 5 gool ka dhaliyay 3 kulan oo premier League ah oo uu ka hor tagay kooxda Bournemouth halka uu Roberto caawiye ka noqday 3 gool 6 kulan oo uu ku bilowday.

Sadio Mane ayaa dhalin dhalin kara 4 kulan oo xiriir ah premier League xilli ciyaareedkan markii ugu horaysay taariikhiidiisa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here