Hordhac: Liverpool Vs Arsenal: Gunners Oo Aan Wax Guul Ah Ku Gaadhin Anfield 5-tii Kulan Ee Ugu Dambaysay

0

Kulanka ugu xiisaha badan todobaadkan premier League ayaa ah midka dhex mari doona kooxaha Liverpool & Arsenal kulan ka dhici doona garoonka Anfield kana tirsan todobaadkii 20-aad ee horyaalka premier League.

Hogaamiyayaasha horyaalka Premier Leageu ee Liverpool ayaa kulanka soo galaya iyaga oo isha ku haya in ay sii wataan rikoodhkooda guulaha xiriirka ah waliba gaadhaan guushii 9-aad oo xiriir ah.

Dhanka kale kooxda Arsenal oo badisay 2 kulan oo kaliya 5-tii kulan ee ugu dambeeyay waliba bar-baro gashay kulankii ugu dambeeyay ee Brighton ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u gaadhi lahayd guul.

Kulanka: Liverpool Vs Arsenal

Tartanka: Premier league

Wakhtiga: 8:30 Fiidnimo

Garoonka: Anfield

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona kulankii 227-aad ee dhex mara labada kooxood tartamada oo dhan, Liverpool ayaa badisay 86 kulan halka ay Arsenal badisay 79 kulan waxana ay bar-baro ku kala bexeen 61 kulan.

Arsenal ayaan wax guul ah ka gaadhin Anfield 5-tii safar ee ugu dambeeyay iyada oo laga dhaliyay 2 iyo wax k abadan kulan walba guud ahaana laga dhaliyay 17 gool.

Liverpool ayaan 7 kulan guuldaro kala kulmin Arsenal tartamada oo dhan 3 way badisay 4 bar-baro ayay la gashay markii ugu dambaysay ee ayna in ka badan haatan guuldaro kala kulmin Arsenal ayaa ahayd February 2000 markaas oo ayna guuldaro kala kulmin 14 kulan.

Roberto Firmino ayaa si toos ah ugu lug lahaa sideed gool lixdii kulan ee ugu danbeysay ee uu ka hor tagay Arsenal isaga oo dhaliyay 5 gool caawiyena ka noqday 3 kale, Kaliya Robbie Fowler oo ku lug lahaa 9 gool ayaa ka badan kulamada Arsenal Roberto Firmino.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here