Hordhac: Leicester City Vs Man United: Red Devils Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Ay Dhigtay 7 Sano Ka Hor

Kooxda Man United ayaa marto u noqon doonta kooxda Leicester City kulan ka dhici doona garoonka King Power Stadium kana tirsan todobaadkii 25-aad ee premeir League.

Leicester City ayaa doonaysa in ay sii wado qaabkeeda fiican kadib markii ay bar-baro ku qabatay kooxda Liverpool kulan ka dhacay Anfield.

Dhanka kale United ayaa doonaysa in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib markii ay bar-baro 2/2 ah la gashay Burnley bartamihii todobaadkii.

Kulanka: Leicester City Vs Man United

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 05:05 Galabnimo

Garoonka: King Power Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Leicester ayaa badisay kaliya hal kulan 12 kulan oo Premier League ah oo ay la ciyaareen Man United waxana uu ahaa kulankii 5/3 ee September 2014.

Kooxda Leicester City ayaa ah kooxda ugu badan ee dhibcaha ugu badan heshay marka goolal looga horeeyo iyaga oo helay 13 dhibcood.

Man United ayaa isha ku haysa in ay gaadho 5 kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan marki ugu horaysay tan ilaa October 2012 markaas oo uu kooxda hogaaminayay Sir Alex Ferguson.

Tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedka 2014/2015 xiddiga Jamie Vardy ayaa ah xiddiga ugu badan ee goolasha ugu badan ka dhaliyay Man United premier League isaga oo ka dhaliyay 4 gool.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here