Hordhac: Leicester City Vs Man City: Citizen Oo Ay Ka Go,antahay Guul

Kooxda Man City ayaa marti u noqon doonta kooxda Leicester City kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka premier League kana dhici doona garoonka King Power.

Man City ayaa kulanka u soo galaysa iyada oo ku rajo weyn in ay ku soo laabato wadada guulaha kadib guuldaradii lama filaanka ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Crystal Palace kulan ka tirsanaa premier league.

Dhanka kale Leicester City ayaa kulanka soo galaysa iyada oo kalsooni buuxda kadib markii ay chelsea ku garaacday garoonkeeda Stamford Bridge.

Kulanka: Leicester City Vs Man City

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 6:00 Galabnimo

Garoonka: King Power Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Man City ayaa badisay sideed ka mid ah 10kii kulan ee ugu danbeysay ee Boxing Day-ga horyaalka premier League iyada oo waliba 4 kulan si xiriir ah u badisay.

Sergio Aguero ayaa shan gool ka dhaliyay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee uu la ciyaaray Leicester.

Leicester ayaan guuleysan afartii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan ee ay la ciyaartay Manchester City.

Labadii guulood ee 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay Leicester city guusha ka gaadhay Man City ayaa yimid intii uu kooxda hogaaminayay tababare Claudio Ranieri.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here