HORDHAC: Jventus VS AC mlin ? Xidigaha maqan , xaqiiqooyinka ciyaarta iyo safafka macquulka ah

Kooxda Juverntus oo weyneysa laacibkood Ronaldo ayaa caawa waxa ay garoonkooda ku maqti qaadi doonaan kooxda Ac Milan kulan ka tirsan horyaalka Serie A.

AC Milan aayaa rikoor xun ka heysata kulamdii ugu dambeyey ee ay wajhdo kooxda Juventus horyaalka iyo tartamada kalaba waxa ayna doonayaa in guul wax ku ool ah ay ka garaan kooxda Juve kulanka caawa madaama qatarta ugu badan ay ka imaaneysay Ronaldo oo kulaka ka maqan .

Wararka labada kooxda ka hor kulanka :

Paulo Dybala iyo Mario Mandzukic ayaa si buuxa u soo kabsaday , halka da’yarka reer Italay Moise Kean oo soo bandhigay qaab ciyareed aan la rumeesan Karin uu qarka u saaranyahay in uu ku soo biowdo kulankan.

Massimiliano Allegri ayaa u baqdin qaba ciyaartoydiisa madaama todobaadka soo aadan ay ciyarayaan tartanka Champions League lugtiisa koowaad ee wareega seeded dhamaadka .

Rodrigo Bentancur ayaa ka dhacay dooqa xulashada macalin Massimiliano madaama laacaibka reer Germanay ee Emre Can uu la soo baxay qaaab ciyareed joogta ah .

Dhica kale Kooxda martida ah ee AC Milan waxaa safkooda ka maqan ilaa liyahooda shabqa ee Gianluigi Donnarumma waxaana booskaas gool hayaha rere Spain ee Pepe Reina .

Lucas Paquetá ayaa seegaya kulankan kaddib dhaawac ka soo gaara canqowga waxana ku dagaalamaya in booskiisa ay buuxiyaan xiidgaha kala ah Samu Castillejo iyo Patrick Cutrone .

Ogeysiiska ciyaarta :

Kulanka : Juventus VC AC Milan(Serie A)

Goobta :Allianz Stadium

Goorta : 7:00  oo fiidnimo

Xaqiiqooyinka ciyaarta laga diwaan giliyey ka hor kulanka :

Juventus ayaa bareejo galeysa qeebta koowaad ee kulanka mise badineysay qeebta dambee ee ciyaarta afartii kulan ee ugu dambeyey ee ay wajahdo kooxda AC Milan dhamaan tartamada .

Juventus ayaa guul daro la’aan ah 33 –ka mid ah 34-tii kulan ee ugu dambeyey ee ay ka ciyaarto horyaalka (Serie A).

Juventus ayaa badisay 7-dii kulan ee ugu dambeeyey ee ay wajahdo koxda AC Milan dhamaan tartamada .

Juventus ayaa shabaqeeda gool ka ilaal satay sedexdii kulan ee ugu dambeeyey ee ay wajahdo koxda AC Milan dhamaan tartamada .

Safafka macquulka ah ee labada dhinac ka hor kulanka :

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here