Hordhac: Juventus Vs Atletico Madrid: Saaxiibada Cristiano Ronaldo Oo Rikoodh Liita Ku Leh Atletico Madrid, Waligood Guul Kamay Gaadhin, Xitaa Gool Kamay Dhalin.

Kooxda Juventus ayaa marti galin doonta kooxda Atletico Madrid kulan ka tirsan lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Juventus ayaa Kulanka soo galaysa iyada oo u baahan guul 2/0 ah si ay bar-baro u gasho kulanka iyo natiijo intaas ka badan oo aan gool laga dhalin si ay toos ugu soo baxdo.

Cristaino Ronaldo ayaa khatar ugu jira in uu tartanka wareega 16-ka kaga hadho kadib muddo dheer oo uu wareegyada ugu dambeeya gaadhay.

Kulanka: Juventus Vs Atletico Madrid

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 11:00 Habeenimo

Garoonka: ​Juventus Stadium

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Arinta cajiibka ah ayaa ah tan ilaa 2014 kooxda Atletico Madrid ayaa haysata rikoodh guuldaro la,aan ah kulamada ay ka hor tagto Juventus.

Waxa intaas sii dheer oo ay adagtahay in la rumaysto in ayna Juventus wax gool ah xitaa ka dhalin Atletico Madird 5-tii sano ee la soo dhaafay.

Atletico Madrid ayaa rikoodheeda 100% ee cajiibka ah sii waday kadib markii ay guul 2/0 ah ka gaadheen kooxda Juventus.

Kulankii ugu dambeeyay ee ay Atletico Madrid ku booqatay Juventus garoonkeeda waxa uu ku dhamaaday bar-baro gool la,aan ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here