Hordhac: Juventus Vs Ac Milan: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Supercoppa Italiana Ee Dhex Mari Doona Milan & Juve.

Kooxaha Ac Milan & Juventus ayaa isaga hor iman doona kulan xiiso leh oo ka dhici doona Saudi Arabia gaar ahaan Jeddah kaas oo ah Supercoppa Italiana.

Koobka Supercoppa Italiana ayay isaga hor yimaadaan kooxda ku guulaysata Horyaalka Serie A-da iyo Copa Italia laakiin Kooxda Juventus ayaa labada kooba ku guulaystay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay waxana ay ka hor tagtay kooxda Ac Milan oo finalka Copa Italia gaadhay labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay.

Kooxaha Juventus & Ac Milan ayaa ah kooxaha ugu guulaha badan tartanka iyada oo ay labadooduba ku guulaysteen min 7 jeer iyada oo markii ugu dambaysay ee ay labada kooxood isaga hor yimaadeen tartanka ay Milan ku qaaday 4/3 rikoodhayaal ah kulan ka dhacay caasimada Qatar ee Doha xilli Juventus markii 7-aad oo xiriir ah soo gaadhay koobkan.

Marka loo eego qaab ciyaareedka labada kooxood Juventus ayaa ugu cad-cad in ay ku guulaysato koobka sanadkan iyaga oo ilaa haatan aan wax guuldaro ah la kulmin horyaalka xilli juventus garaacday Milan kulankoodii horyaalka xilli ciyaareedkan iyada oo ay goolasha u dhaliyeen Mario Mandzukic & ​Cristiano Ronaldo.

Kulanka: Juventus Vs Ac Milan.

Tartanka: Supercoppa Italiana

Wakhtiga: 8:30 Fiidnimo

Garoonka: King Abdullah Sports City, Saudi Arabia

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Juventus ayaa ka gacan saraysa Ac Milan sanadihii ugu dambeeyay iyada oo Milan ku fashilantay in ay garaacdo Juventus 6-dii kulan ee ugu dambaysay waliba laga dhaliyay 15 gool halka ay Milan dhalisay kaliya 3 gool.

Markii ugu dambaysay ee ay labada kooxood isaga hor yimaadeen Final ayaa ahayd Copa Italia Finla bishii May 2018 waxana ay Juventus ku badisay 4/0 sidaasna ugu guulaystay koobka horyaalka iyo Copa Italia.

Markii ugu dambaysay ee ay Ac Milan ka badiso Juventus ayaa ahayd 2016 markaas oo ay wada ciyaareen finalka Supercoppa Italiana Iyada oo Milan rikoodhayaal uga abdisay Juventus.

Marka dib loo laabto Ac Milan ayaa kaliya 2 guulood ka gaadhay kooxda Juventus 17-kii kulan ee ugu dambeeyay iyada oo kulanka kale ahaa mid dhacay October 2016 markaas oo ay Milan Juventus uga badisay kulan ka dhacay San Siro.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here